Maxkamada G/Banaadir oo markii labaad dhegeysatay kiiska dilkii Axmed dowlo (Sawirro)

Maxkamada gobolka Benaadir ayaa maanta markii labaad dib u celisay dacwadii lagu soo oogay dadkii ka dambeeyay dilkii naxdinta lahaa ee nolosha lagu gubay Marxuum Axmed Mukhtar Saalax (Axmed dowllo) oo Septembar 2018 lagu dilay xaafada Jungal, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Waxaa maxkamadda markii labaad la hor keenay lix eedeysane oo isugu jira haween iyo rag iska kaashaday dilka marxuum Axmed Dowlo, iyadoo qof kale oo kiiskan ku jiray uu baxsaday, waxayna maxkamaddu dhageystay dacwadda ay ku soo oogeen xeer ilaalinta oo soo bandhigtay agabkii loo adeegsaday dilka marxuumka iyo sida dilku u dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in Maxkamadu aysan weli ku qancin caddeymaha la hor keenay ee ku saabsan dilka Axmed Dowlo, waxaana guddoomiyaha maxkamadda uu amar kale ku dhawaaqay in dhageysigu socon doono, iyadoo aan waqti kale loo qaban.

Kiiska dilka Maxruum Axmed dowlo oo dhacay 20 September 2018 ayaa waxaa dhaliyay markii ay laba qoys oo deris ahaa isku qabteen Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay marxuumka la dilay, taasoo ay ugu wacneyd arrimo la xiriira heyb sooc.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -