Maxaa ka jira in dal deris ah uu Somalia ka qaatay dhul gaaraya boqolaal Km?

Golaha Shacabka Baarlamanka federaalka  Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan ku yeesheen  xaruntooda Magaalada Muqdisho, iyagoo warbixino ka dhegeystay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha dalka, kaasoo ahaa ajendaha kulanka maanta.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha Soomaaliya Xuseen Nuur Xaashi ayaa warbixin ka siiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka waxyaabihii u qabsoomay afartii bil ee la soo dhaafay iyo caqabadaha ku hor gudban waxyaabaha aan u qabsoomin.

Xuseen Nuur Xaashi ayaa sidoo kale golaha Shacabka Warbixin ka siiyay qorshahooda afarta bil ee soo aadan.

Sidoo kale waxay ka hadleen Arimaha Xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya iyagoo cadeeyay in Kenya ay dhul ballaaran gudaha Soomaaliya u soo gashay arintaasna loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Waxa intaas ku dareen in Kenya ay ku darsatay dhulkeeda qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya ee xadka ku yaalla oo dhererkiisu dhan yahay 476km taasoo ay shaaca ka qaadeen inay dhibaato ku tahay shacabka Soomaaliyeed

Guddiga ayaa sheegay in madaxda madaxda Dowladda ay la wadaageen warbixinta arintaas ku saabsan, ayna balan-qaadeen iney wax ka qaban doonaan arintaas.

Kenya ayaa xadka Somalia ka wada dhismaha derbi dheer oo ay sheegtay iney uga hortageyso weerarada Al-shabaab, waxaana intii uu socday dhismaha derbiga ay Kenya dhinaceeda marsatay dhul ka mid ah Somalia, iyadoo aysan jirin masuuliyiin iyo khubaro Soomaaliyeed oo la socota qaabka ay kenya u wado dhismaha derbiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -