Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Musaveni oo tababar usoo xiray Saraakiil ay Soomaali ku jirto (Daawo Sawiro)

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa tababar usoo xiray saraakiil ciidan oo isugu jirtay Soomaali iyo Ugandhees, saraakiishan ayaana in mudo ah qaadanayay leyli Sargaal.

Munaasabada tababarka loogu soo xiray saraakiishan ay Soomaalida ku jirtay waxaa ka qeyb galay saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya , masuuliyiin ka tirsan safaarada Soomaaliya iyo xubno kale.

Saraakiisha tababarka loo soo xirayay ayaa munaasabada kusoo bandhigay dhoolo tus cajiib ah oo raali galiyay Madaxdii iyo saraakiishii kala duwaneyd ee ka qeyb galeysay munaasabada tababarka lagu soo xirayay.

Dalka Uganda ayaa kamid ah wadamada ciidamada u tababara dowlada Soomaaliya , waxaana Xeryo ciidan oo kuyaala dalkaasi marar badan lagu soo tababaray saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsan ciidanka kala duwan ee dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada iyaga oo ka dhax dagaalamaya Saldhig Mareykanka ku leeyahay Kenya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rasaas culus oo caawa laga maqlay Juba & Taliyihii Sirdoonka oo..

Caydiid Ali

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in Janaraal Xuud uu lamid yahay kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---