Taliska booliiska oo ka hadlay geerida sargaal la sheegay in uu is dal dalay

Waxaa saakay Xaafada Sheelare ee magaalada Muqdisho laga helay Meydka Sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana wararkii hore ee soo baxay sheegayeen in uu sargaalka isagu is dal dalay.

Ehelada Sargaalka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uusan is dal dalin Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed balse la dilay, waxa ayna qoyska dalbadeen in kiiskan baaritaan dhab ah lagu sameeyo.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen oo ka hadashay geerida sargaalkan ayaa sheegtay in ay socdaan baaritaano lagu sameenayo dilkan iyo sida uu u dhacay.

Zakiya ayaa ka codsatay warbahinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada  in ay xushmeeyaan marxuumka iyo qoyska uu ka tagay ayna joojiyaan faafinta sawirada meydkiisa laga qaaday.

”Alle u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta. Hay’ada Dembi Baarista ee CID ayaa haatan ku hawlan baaris ku saabsan sababta uu u geeriyooday marxuumka. Waxaan warbahinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay xushmeeyaan marxuumka iyo qoyska uu ka tagay ee aysan faafin sawiradda meytka marxuumka.” ayey tiri Jeneraalka Zakiya.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa saakay lagu baahiyay in sargaalkan katirsanaa ciidanka booliiska uu is dal dalay, waxaana hada socda baaritaano Hay’ada CID-da ku sameeneyso geerida sargaalkan iyo suurto galnimada in la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -