Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Cabdiqaasim Salaad ayaa kawada hadlay xaalada siyaasadeed ee hada dalka ku jiro , waxa ayna labada dhinac is dhaafsadeen talooyiin iyo aragtiyo wax ku ool ah.

Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in Soomaaliya wali ku sii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Waxa uu ugu baaqay Cabdiqaasim Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladooda, waxa uu sidoo kale sheegay in Al Shabaab caqabad ku yihiim nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhageestay talooyinka Madaxwenihii hore ee Soomaaliya, waxa uuna balan qaaday Farmaajo in ay qaadan doonaan talooyinka dadka wax ku oolka ah ee jecel horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -