Madaxweyne Caan ah oo qoranaya Hal Milyan oo Ciidamo u badan Waayeelo !!

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dalkaasi ku dari doono hal milyan oo dheeraad ah, waxaana ciidanka cusub laga soo saarayaa keyd horey loo diyaariyay.

Nicolas Maduro ayaa sheegay in hal milyan lagu dari doono ciidanka milatariga dalkaasi oo hada gaaraya 2-milyan, waxa uuna balan qaaday inta sanadkan lagu jiro in lagu diyaarin doono ciidanka cusub.

Ciidamada cusub ee lagu darayo Milatariga dalka Venezuela ayaa u badan dad da’dooda ka weyn tahay 50-sano , waxaana ciidankan laga soo xulayaa keyd uu horey u diyaariyay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Hugo Chavez.

Dowlada Venezuela ayaa sheegtay in ciidankan cusub loogu tala galay in lagu xoojiyo milatariga , waxaana saraakiil u hadashay dalkaasi sheegeen in ciidankan la adeegsan doono hadii loo baahdo howlgal.

“Haddii dagaal lagu soo qaado dalkayga waan u hurayaa naftayda. Waligay ma anaanan noqon wax aan askari ka ahayn, uma ogolaan doono in ciidamo shisheeye ay halkan yimaadaan oo ay na bahdilaan”, ayuu yiri Doris oo ah 53-sano jir kamid noqonaya ciidanka cusub.

Dowlada Mareykanka ayaa cadaadis xoogan saartay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Nicolas Maduro, waxaana Mareykanka ay doonayaan in xukunka laga tuuro Madaxweynaha dalkaasi oon xiriir la laheyn Dowlada Mareykanka.

Mareykanka ayaa horey u taageeray Siyaasi mucaarad ah oo sheegtay in uu yahay Madaxweynaha dalka Venezuela , waxaana dalkaan sanadihii ugu dambeeyay ka socday khalalaase siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -