Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Caro ka dhalatay Nin qaba Cudurka Aids oo xoog looga saaray Isbitaal (Daawo Sawirada)

Caro xoogan ayaa ka dhalatay ficil uu ku dhaqaaqay isbitaal kuyaala dalka Masar kadib markii si xoog ah looga saaray isbitaalkaasi nin xanuunsan oo la sheegay in uu qabo cudurka halista ah ee AIDS.

Muuqaal laga duubay ninka xanuunsan oo si xoog ah Isbitaalka looga saarayo ayaa qabasadya baraha bulshada, waxa ayna arintan noqotay mid dad badan ay ka caroodaan si weyna loo hadal hayo.

maamulka Isbitaalka ku yaalla deegaanka Gharbia ee dalka Masar ayaa amray in ninkaasi iyada oo la jiidayo isbitaalka laga saaro, kadib markii uu diiday in uu ka baxo, waxa ayna taasi keentay in bakaankaasi iyada oo la silcinayo laga saaro isbitaalka.

Saraakiisha dambi baarista dalka Masar ayaa durba bilaabay baaritaan lagu sameenayo arintan , waxaana la filayaa in shaqo joojin iyo ciqaab lagu smeeyo dadkii ka dambeeyay ficilkan lagu dhibaateeyay bukaanka.

Wasaaradda caafimaadka Masar waxay sheegtay in shaqaalaha Isbitaalka lagala xisaabtamayo dhibaatada loo geystay bukaanka qabay cudurka Aids-ka ee xaaladda caafimaad u jiifay halkaas.

Dadka qaba cudurka ADIS ayaa si weyn looga takooraa dadka Masar, waxaana dadkaasi inta badan ku adkaata in ay dadka dhax galaan ama ay helaan daawo iyo daryeelkii ay u baahnaayeen.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2019-08-15 09:19:11Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Related posts

(Sawirro) Guddiga doorashada Hirshabelle oo guddoon cusub iska dhex doortay

Caydiid Ali

Miisaaniyada uu ku shaqeenayo Maamulka Hirshabelle oo la ansixiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wiilal iyo Gabdho wax bartay oo kamid noqday Booliiska Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---