Nin lagu tuhmayo in uu geestay Dilal kala duwan oo Muqdisho lagu qabtay

Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa howlgal ay sameeyeen Degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku qabtay nin la sheegay in uu katirsan yahay dagaalyahanada Al Shabaab .

War kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen xubin katirsanaa Amniyaadka Al Shabaab oo ka howlgali jiray degmooyinka Hiliwaa iyo Yaqshiid.

”Ciidanka amniga ayaa gacanta kusoo dhigay xubin Amniyaatka Alshabaab ah oo ku sugnaa degmada Shibis. Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka danbeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaystay” ayaa lagu yiri qoraalka NISA kasoo baxay.

Hay’ada Nabad sugida ayaa marar badan shaacisay in gacanta lagu dhigay xubno katirsan Al Shabaab, dadkan lasoo qabto ayaana loo soo bandhigin Warbaahinta sidoo kale lama arko iyaga oo maxkamad lasoo saarayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -