Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Aktarka Will Smith oo Masrax ku dharbaaxay Majaajiliistaha caanka ah ee Chris Rock (Sawirro)

Goob ay ka socotay xafladda abaarmarinada aflaamta ee Oscars ayaa xalay waxaa ka dhacday arrin dad badan layaab iyo amakaag ku noqotay, kaddib markii atooraha caanka ah ee Will Smith masraxa dushiisa ku dharbaaxay Majaajileeste Chris Rock.

Chris Rock oo xiriiriye ka ahaa munaasabada abaalmarinta lagu bixinayay ayaa ku kaftamay madaxa xiiran ee xaaska atooraha Will Smith oo la rumeesan yahay in tinta uga biday xanuuno ku dhacay.

Kaftanka majaajiliistaha ayaa waxaa dhibsaday kana carooday Will Smith oo inta fadhiga kasoo kacay masraxa ku dul dharbaaxay majaajiliistaha xaflada daadihinayay, waxa uuna ku dhawaaqayay afkaaga xun ka leexi xaaskayga.

Majaajiliiste Chris Rock ayaa markii dharbaaxada ku dhacday waxba ka badelin dareenkiisa, waxa uuna sheegay in caawa ay tahay habeen cajiib ah, waxa uuna halkeeda kasii waday daadihinta xaflada oo kusoo dhammaatay jawi degan.

Dhinaca kale Booliiska magaalada Los Angeles ayaa sheegay in ay la socdaan waxii ka dhacay xaflada abaalmarinta aflaamta ee oscats, waxa ayna booliiska sheegeen Chris Rock uu diiday in uu furto gal dacwadeed ka dhan ah Smith.

Atooraha dharbaaxay majaajiliistaha ayaa dhankiisa raaligelin ka bixiyay ficilka dharbaaxada uu geestay, waxa uuna ka gaabsaday in uu xuso magaca majaajiliistaha uu dharbaaxay.

Will Smith oo kamid ah atoorayaasha ugu caansan filimada Hollywoodka ayaa ku guuleestay aktarka ugu fiican, waxaana guusha atooraha hareesay dharbaaxada uu la dhacay saaxiibkiisa ku kaftamay madaxa xiiran ee xaaskiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Video:-Madaxwaynihii ugu sabool sanaa Dunida uguna cadaalad wanaagsanaa wax ka baro ?

admin

Maxaa sababay in Shaqaalaha Gobalka Banaadir Saddex bilood aysan helin wax Mushahar ah ?!!

admin

Wasiir Xildhibaan Doon ah oo walaac ka muujiyay Doorashada ka dhaceysa Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---