Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Midowga Afrika oo War ka soo saaray rabshadaha ka aloosan dalka Itoobiya

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay xasilooni kadib markii dalka Ethiopia ay ka dhaceen rabshado ka dhashay dilka heesaa caan ahaa.

Rabshado socday laba maalmood ayaa 81 qof ku dilay Ethiopia, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaaga Hachalu Hundessa oo kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada.

Hachalu Hundessa, oo heesihiisa siyaasadeed ay cod siiyeen dareenka ay muddada qabeen Oromada ee ah in la liiday, ayaa toogasho lagu dilay habeenkii Isniinta, waxaana shalay lagu aasay magaalada Ambo.

“Iyada oo waddanku u barooranayo khasaaraha Hachalu Hundessa, Guddoomiyuhu wuxuu codsanayaa deganaansho, xakamayn dhinac walba ah, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan Ethiopian-ka inay ka fogaadaan falalka sii kordhin kara xaaladda hadda jirta.”ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika.

Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqayaa Dowladda Ethiopia “inay keento dambiilayaashan ficillada xun gaystay si ay u wajahaan caddaaladda.”

Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyey dhammaan dhinacyada in ay ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal iyo qaab nabadeed, si loo oggolaado dadaallo ku filan oo looga hortago laguna xakameeyo masiibada COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Jubbaland oo dib ula wareegay degaan shalay dagaal looga saaray

Caydiid Ali

Maxaa kamid ah Qodobada Ugu Muhiimsan ay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Abiy Ahmed

Cabdi Cade

Xisbullah oo dayuurad dagaal ka soo riday Israa’iil iyo Wararkii u dambeeyey Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---