Xog ku aadan Qodobo Xasaasi ah oo qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa ku sugan qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira, Madaxdan ayaana kulamo kala duwan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Nairobi jooga.

Madaxda Maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa kala ah Madaxweynayaasha Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, waxa ayna Madaxdan kulamo kala duwan la qaateen xubno kamid ah wakiilada Beesha Caalamka iyo xubno kale.

Sida aan xogta ku helnay Madaxda sadexda maamul goboleed ayaa kala hadlay Wakiilada beesha caalamka arimo dhowr ah ay kamid tahay khilaafka dowlada iyo maamul goboleedyada, deeqaha beesha caalamka bixiyaan iyo doorashada 2021-ka.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa Wakiilada beesha caalamka u gudbiyay in wax laga bedelo habka macaamilka maamul goboleedyada iyo sidoo kale cabasho ay ka keeneen deeqaha loo soo marsiiyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxa ay ka codsadeen Madaxda maamul goboleedyada wakiilada geesha caalamka ay la kulmeen in deeqaha si toos ah ugu wareejiyaan Maamulada sidoo kale la dhiso Road Map doorasho, iyagoona cadeeyay in Xukuumada aysan wali diyaarin nidaamka doorasho .

Madaxda maamul goboleedyada Jubbalannd, Galmudug iyo Puntland ayaa hada u muuqda kuwa isbaheysi hoose leh, waxaana shirka Nairobi ka dhacay ka maqan Madaxda Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo iyagu xiriir dhaw la leh dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -