Tirada dadkii ku dhintay Qaraxyadii ruxay Sri Lanka oo kor u dhaaftay 100-qof (Daawo Sawiro Cusub)

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii xooganaa ee saakay lagu weeraray hoteelo iyo Kaniisado kuyaala magaalada Colombo ee caasimada dalka Sri Lanka.

Tirada dadka ku dhintay qaraxada lagu weeraray Hoteelada iyo kaniisadaha kuyaala magaalada Colombo ayaa hada kor u dhaaftay 150-qof, waxaa sidoo kale dadka ku dhaawacmay qaraxyadan ka badan yihiin 500-oo qof.

Lix qarax ayaa siyaabo kala duwan loogu weeraray kaniisado iyo Hoteelo kuyaala bartaha caasimada Sri Lanka, waxaana kaniisadaha la weeraray ka socday munaasabada ciida misiixiga ee Easter.

Xaalada kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Colombo ee caasimada dalka Sri Lanka, waxaana la adkeeyay amaanka xarumo kuyaala magaaladaasi iyo sidoo kale Hoteelada iyo kaniisadaha si aan weerar kale u dhicin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -