Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo dalka Lubnaan looga dilay Taliye Guuto oo muhiim u ahaa

Hoggaamiyaal katirsan kooxda hubeysan ee Xamaas ayaa lagu weeraray deegaanno kuyaalla dalka Lubnaan, waxaana lasoo tabinayaa in duqeymo Israa’iil fulisay lagu dilay hoggaamiyaal muhiim u ahaa kooxda Xamaas.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen dalka Lubnaan ku dileen Saciid Atallah Ali, oo ahaa hoggaamiyaha garabka milatri ee ururka Xamaas , kuwaa oo loo yaqaan guutada Al-Qassam.

Duqeyn ku dhacday guriga uu degnaa hoggaamiyaha guutada Al-Qassam ayaa sidoo kale lagu dilay xaaskiisa iyo labo carruur ah uu dhalay , waxaana duqeyntan ay sheegeen Israa’iil in lagu guuleestay bartilmaameedkeeda ayna dileen hoggaamiye ay muddo raadinayeen.

Garabka hubeysan ee Al-Qassam ayaa u baroor diiqaya hogaamiyihii guutada  Saciid Atallah Ali, waxa ayna kooxdan ku hanjabeen in ay u aargudi doonaan hoggaamiyahooda , iyaga oo sheegay in Israa’iil ka shallay doonto dilka hoggaamiyahooda.

Ciidamada Israa’iil ayaa dalka Lubnaan ku beegsaday kuna dilay hoggaamiyaal sar sare oo katirsanaa kooxaha Xisbullaah iyo Xamaas, waxaana lasoo warinayaa in Israa’iil kooxo sirdoon ku dhax sameesatay gudaha dalka Lubnaan, kuwaa oo xoggo sax ah lasoo wadaagaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tubaakada Taabuuga iyo Khatarta ay ku heyso Jiilkeenna dahabiga ah !!!

Cabdi Cade

Xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir oo galabta ku tuntay Xulka Galmudug (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wafdi Hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---