Cali Guudlaawe oo faahfaahin ka bixiyey khasaaraha qaraxyadii ka dhacay Baladweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa faahfaahion ka bixiyey khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay weerarkaas oo uu ku sifeeyey inuu ahaa mid bahalnimo.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in qaraxa hore lagu dilay Xildhibaanad Aamino iyo dad kale oo la joogay, halka qaraxii labaad oo ahaa gaari miineysan isna lala beegsaday dadkii u gurmaday dhaawacyada qaraxa hore..

“illaa xalay waxaan wadnay xog ururin ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xalay, waxaana inta la ogyahay illaa hadda ku naf waayey 48 qof, halka 108 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo qaarkood ay yihiin halis” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn amray Maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amaanka inay adkeeyaan amaanka, baaris dhameystirana ku sameeyaan falalkii argagixiso ee xalay dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -