Ganacsato Soomaali ah oo xalay loo geystay dil, dhaawac iyo boob

Rag Burcad ah ayaa dalka Koonfur Afrika xalay Saqdii dhexe ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ganacsiga ku heysata dalkaas iyagoo sidoo kale mid kale dhaawacay.

Mukhtaar Cumar ayaa waxaa lagu dilay Magalada King Willaims town oo hoostagta gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika, waxaana xilliga la dilayey uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsiga sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.

Burcada ayaa la sheegay inay dilka ka dib horey u qaateen lacag tiilay goobtiisa Ganacsi, iyagoo intaasi kadib goobta cararay.

Weerar kale oo ka dhacay xaafada Mayfair ee Magaalada Johanesburg ayaa lagu dhaawacay Soomaali kale oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil, iyadoo kale boobay hantidii taallay goob ganacsi oo uu ku lahaa degaankaasi.

Habeen ka hor ayey aheyd markii isla dalka Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Nuur Dheere, iyadoo dilalka Soomaalida ay sanadahanba ahaayeen kuwo ku soo laalaabanyey gudaha dalkaas, mana jirto talaabo adag oo laamaha amaanka dalkaas ay ka qaadeen ragga burcada ah ee dilalka geysta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -