Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay Taliska ciidanka Booliska (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay kormeer ku tagay Xarunta Xarunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed, isaga oo kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha ciidanka Booliska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha kala duwan oo uu ka kooban yahay taliska,waxaana uu saraakiisha  kala hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxaysa Booliiska iyo shacabka si loo xaqiijiyo Amniga Caasimadda.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday Saraakiisha ciidanka booliska inay kordhiyaan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo.

Taliya Zakiya ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu uga digay Saraakiisha Booliska in lagu xadgudbo Shacabka,sidoo kalena lagu kaco musuq maasuq waa sida ay hadalka u dhigtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Cali Guudlaawe oo ka dhacay Baladweyne

Cabdi Cade

Netanyahu oo go’aan adag ka soo saaray Muhaajiriinta Eritrea ee Israel jooga

Caydiid Ali

Saraakiisha Milatariga oo loo diyaarinayo sidii ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen Amniga dalka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---