Allbanaadir.com
WORLD NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo si qurux badan loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Mareykanka ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday.

Wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo xildhibaanno ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay garoonka diryaaraha Aadan Cabdulle Cusmaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mudadii uu safarka shaqo ku joogay dalka Maraykanka waxa uu kulumo mira dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda iyo USAID

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka iyo IMF, shirkaas oo looga hadlay geeddi-socodka dayn-cafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxdii ka dambeysay weeraradii ka dhacay dalka Sri-lanka oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Fanaan caan ah oo sabab laga naxay u joojiyey bandhig faneed weyn (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Haro Midabka Biyaheeda si Mucjiso isku bedeleen !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---