Kooxdii ka dambeysay weeraradii ka dhacay dalka Sri-lanka oo la shaaciyey

Dowladda Sri Lanka ayaa ku eedeysay koox maxalli oo xagjir ah oo lagu magacaabo Jamacatu Towxiid Al-Wadaniyah inay ka dambeysay weerarkii in ka badan 290 qof ay ku dhinteen ee shalay dalkaasi ka dhacay.

Xukuumadda waxay sheegtay in kooxdan ay taageero caalami ah ka heysato shabakado caalami ah.

Ugu yaraan 600 oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarka lala beegsaday kaniisdaha iyo hotellada magaalada Colombo.

Booliska Sri Lanka waxay sheegeen inay xabsiga u taxaabeen 24 qof oo lagu tuhunsan yahay iney qaraxyada ku lug lahaayeen.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Sri-lanka tan iyo dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay sannadkii 2009.

Ra’iisul Wasaaraha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa sheegay in laamaha ammaanka dalkiisa ay ka war hayeen digniino la xiriira suurtagalnimada weerarka balse aysan wax falcelin ah ka sameynin arrintaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -