Haro Midabka Biyaheeda si Mucjiso isku bedeleen !! (Daawo Sawirada)

Haro yar oo kutaala magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa midabka biyaheeda si mucjiso ah isku badeleeny ayaa noqotay meel loo tago Dalxiis iyo sawirro qurxoon lagu soo galo .

Warbaahinta Dalka Australia ayaa ku warantay in haradan oo gacan ku samays ah uu midabkeeda isu badelay mid basali ah, waxaana la sheegay in midabkan uu keenay illeyska cadceedda, roobabka iyo heer kulka.

Geedaha yaryar ee ka baxa halka haradan ku taalo ayaa la sheegay in ay dhallaan maaddo badeli karta midabka biyaha, waxaana dad badan layaab ku noqotay sida uu midabkeeda isku bedelay haradan.

Dad badan oo dalxiisayaal ah iyo kuwa u dhashay dalka Austaralia ayaa taga haradan si ay ugu oo galaan sawiro midab qurxoon leh, waxa ayna haradan noqotay mid dad badan soo jiidatay oo sawiro badan laga soo qaado.

Saraakiisha caafimaadka ee dowladda Austaralia ayaa dadka taga haradan uga digay in aysan biyaha u dhowaan maadaamaa cusbadooda ay badan tahay, jirkuna xasaasiyad ka qaadi karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -