Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho uu xilka ka qaaday qaar kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku helnay gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xilka ka qaaday lix kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka kuwaas oo qaarkood xilka laga qaaday halka kuwa kalana la isku bedelay.

Gudoomiyaasha xilka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah Gudoomiyaha degmada Howlwadaag, Dharkeenley, Cabdicasiis, Kaaraan, Wadajir , Gudoomiyaha gobolka ayaana gudoomiyaal cusub u magacaabay Degmooyinka uu xilka ka qaaday.

Wareegtada xil ka qaadista iyo magacaabista kasoo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaan wali si rasmi ah Warbaahinta loogu shaacin, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan Warbaahinta lala wadaago.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -