Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay rabshadihii maanta ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Somalia Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay rabshadihii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee ka dhashay dilal askar ka tirsan ciidamada dowladu kula kaceen bajaajley iyo dad kale oo shacab ah.

Farmaajo ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilalka loo geystay saaka darawalada bajaajleyda, isagoo tacsi u diray qoyska ay ka geeriyoodeen labada qof ee la dilay, wuxuuna xusay inaan la aqbali karin in askarta dowlada qaarkood ay dilaan shacabkii loogu talo galay iney sugaan amaankooda.

“Maanta wax aan Fiicneyn oo laga soo gudbay ayaa dhacay, Askartii aan u tababarnay inay la dagaalamaan Cadawga, Askartii aan u tababarnay inay shacabka u naxariistaan, sugaan amnigooda mid ka mid ah ayaa dilay Wiilal dhallinyaro ah, waa nasiib daro balse  Askarta waa laga helaa mid iyo labo dhaqan xun, allaha u Naxariisto Wiilashii la dilay” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in ciidamada amniga ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan xaqiijinta xasiloonida iyo kala dambeynta.

Farmaajo ayaa dhinaca kale  wax laga xumaado aan oo loo baahneyn ku tilmaamay rabshadihii ka dhacay maanta ka dhacay Muqdisho

“Wax kastoo dhaca dowlad ayaad leedihihiin, anagu doorasho ayaan ku nimid qofkii wax tabanaya maaha inuu cadaaladda gacantiisa ku qaato, ma aha inuu burburiyo hantida ganacstada, ma aha inuu gacan siiyo caddowga aan la dagaaleyno ee Shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay shacabku iney shucuurtooda ku muujiyaan si amaan ah, wuxuuna xusay inaan loo dulqaadaneynin in la geysto rabshado iyo boob ka dhan ah amniga.

“Mudaaharaad aaan sharciyeysneyn, mudaaharaad lagu burburinayo hantida ganacsatada ma ogolaaneyno… argagixsiada waxaa u haray inay idinku soo dhex dhuntaan, dowladdan Wadaddii caddeyd ayay cagta saartay mana soo noqoneyso.. umadda Soomaaliyeed way socotay… hore ayaan u soconeynaa… shacabkeena ayaan u adeegeynaa…” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ay ka muquatay inuu careysan yahay.

“Danley yeysan been idin sheegin… Soomaaliya waxa meesha dhigay waa dad qabiileystayaal ah oo qabiil ku shaqeysta.. annagu ma ogolaaneyno wiilasha iyo gabdhaha yaryar ee Soomaaliyeed in mustqabalkooda iyo noloshooda lagu ciyaaro.. Waxaan Alle hortii ku ballan qaadeynaa ciddii isku dayda inay hor istaagto Qaranimada, Dowladnimada Soomaaliyaad iyo karaamada wallaahi gacan adag ayaan ku qabaneynaa…” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -