Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada oo War Cusub soo saaray Baaqna u diray maamulada qaar

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay bogaadiyeen guddiyada doorashooyinka Somaliland iyo Galmudug oo guda galay Doorashada kuraasta Gollaha Shacabka waqtigii loogu tala galay.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka heer federaal ayaa loogu baaqay maamul goboleedyada kale ee dalka aysan wali ka bilaaban ama aan gudaha gelin doorashada Golaha Shacabka in ay si deg deg ah u bilaabaan.

Guddiga Doorashada ayaana sheegay in ay ka go’an tahay in doorashada Xildhibaanada golaha shacabka lagu soo gaba gabeeyo waqtigii loo qorsheeyay oo ah 24-ka bisha soo socota ee December.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo qabtay Soomaali iyo ajnabi kale oo daroogo gelinayey gudaha dalkaas

Caydiid Ali

Hotel ku yaalla degmada Baraawe oo la weeraray iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Caydiid Ali

Labo Nin oo lagu soo qabtay dagaal ka dhacay Dayniile oo xukun lagu riday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---