Maxay ka wada hadleen Khayre & Ku-xigeenka Xoghayaha difaaca Mareykanka? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Maraykanka, David L. Norquist.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha ay dawladda Soomaaliya ugu diyaar garoobayso la wareegidda amniga dalka iyo kaalinta dawladda Mareykanku ka qaadanayso dhismaha hay’adaha amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Mayreykanka uga mahad celiyay taageerada ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka siiso la dagaallanka argagaxisada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa kula qaadanayo mas’uuliyiinta dalka Mareykanka oo uu booqasho ku joogo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -