RW Khayre oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Horumarinta dalka Norway

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta dalka Norway Dag-Inge Ulstein, ayaa kulan gaar ah ku qaatay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta Nowray ayaa looga hadlay isbedellada hay’adaha dolwladda Soomaaliya iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay waddo dawladda Soomaaliya si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiir Dag-Inge Ulstein ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo in Soomaaliya lagu taageero qorshayaasha ay degsatay ee ku saleysan baahiyaheeda si loo hir-geliyo dhammaan qorshayaasha dawladda ay ka leedahay dhaqan-gelinta iyo ka mira dhalinta himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyada horumarinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -