Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Bouteflika oo ugu dambeyn iscasilay & dabaaldegyo dalkiisa ka socda

Madaxweynihii Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynenimo, sidaasi waxaa iclaamisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka u faafisa dowlada Algeria.

Ku dhowaaqistan ayaa ka danbeysay kaddib lix todobaad oo ay shacabka dalkaasi ku madaaharaadayeen guud ahaan dalka oo dhan, iyagoo ku cadaadiyay in Madaxweyne Boutiflika uu xilka isaga dago.

Go’aanka uu xilka isaga casilay madaxweyne Abdulaziz Bouteflika ayaa soo gaba gabeeyay muddo 20 sano ah oo uu xakumayay waddankaasi dhaca waqooyiga Africa.

Boqollaal ka mid ah shacabka ku nool caasimadda Algiers ayaa ku dabaaldagay wadooyinka.

War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in mustaqbalka Algeria uu gacanta ugu jiro shacabka dalkaasi.

Sida uu qabo dastuurka dalkaasi, afhayeenka baarlamaanka ayaa si kumeel gaar ah dalka u maamuli doono muddo 90 cisho ah, si loo diyaariyo doorasho ay shacabka kusoo doortaan hogaamiyahooda cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano kusii qul qulaya Xarunta Golaha Shacabka iyo Doorashada oo goordhaw bilaabaneysa

Cabdi Cade

Nin si arxan daro ah loo dilay kadib markii uu iibsaday Faras  (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland oo ansixiyey go’aan iyaga ka dhan ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---