Milatariga Sudan oo xabsiga dhigay Masuuliyiin katirsanaa Dowlada uu hogaamiyo Al Bashiir

Dalka Sudan gaar ahaan magaalada Caasimada ee Khartuum waxaa xiligan ka taagan xaalad cakirnaan ah, waxaana xarumaha muhiimka ah ee dowlada la wareegay ciidamada Milatariga.

Ciidamada Milatariga ayaa bilaabay in ay xir xiraan masuuliyiin katirsanaa dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oon wali xaalad aan kala cadeeyn ku jira laguna qasbayo in uu is casilo.

Warbaahina Sudan ayaa ku warameysa in Milatariga xireen  Ahmed Haruun oo ahaa Madixii xisbiga Golaha Qaranka, Cali Cusmaan Daaha oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Wadanka Sudan , iyo Cabdi Raxiim Maxamed Xuseen oo ahaa Wasiirkii Hore ee Difaaca Sudan.

Ciidamada Milatariga ayaa sidoo kale isku gadaamay xarunta Madaxtooyada Sudan uu ku sugan yahay Madaxweyne Al Bashiir, waxaana la filayaa in Milatariga ku dhawaaqaan xaalad deg deeg ah , waxaa sidoo kale laga yaabaa in Al Bashiir lagu qasbo in uu is casilo.

Dadka Sudan ayaa u dhag taagaya go’aanada kasoo bixi doono Milatariga Sudan, waxaana meelaha qaar ka socda banaan baxyo lagu soo dhaweenayo talaabada ay qaadeen ciidanka Milatariga dalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -