Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada dalka Sudan iyo Milatariga oo go’aano adag soo saaraya

Ciidamada Milatariga dalka Sudan ayaa awood saakay u adeegsanaya in uu xilka baneeyo Madaxweyne Al Sayid Cumar Xasan Al Bashiir oo mudo 30-sano ah Madaxweyne ka ahaa dalkaasi.

Milatariga ayaa hada u muuqda mid fulinaya dalabka shacabka dalka Sudan oo ku aadanaa  in Madaxweynaha xilka baneeyo isbadalna dalkaasi ka dhaco, waxa ayna Milatariga saakay la wareegeen Madaxtooyada iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Saraakiisha ugu sareysa Milatariga dalka Sudan iyo saraakiisha kale ee laamaha amaanka dalkaasi ayaa xiligan kulan deg deg ah waxa uu uga socdaa xarunta ugu sareysa Milatariga ee kutaala Khartuum.

Milatariga Sudan ayaa goordhaw la filayaa in ay soo saaraan War Muhiim ah oo dhagaha u taagayaan shacabka Sudan, waxaana Milatariga ka tashanayaan sida laga yeelayo Madaxweynaha iyo cida lagu bedelayo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Al Bashiir lagu qasbayo in uu xilka ka dego , warar kale ayaa sheegaya in Milatariga xabsi guri galiyeen Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Khartuum, waxa ayna dadku ku faraxsan yihiin in isbadal ka dhaco dalkaasi uuna talada baneeyo Madaxweyne Al Bashiir.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah 

- Advertisement -