Allbanaadir.com
NEWS

Raísul Wasaare Xamse oo saakay labo Wasiir xilka u kala wareejiyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Wasiirkii hore, Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xilka loogu kala wareejiyay labada Wasiir, waxaana munaasabadda kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan dowladda iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya , ayaa horey usoo noqday Raísul Wasaare kuxigeenka labaad ee Soomaaliya, halka Wasiirka xilka laga wareejinayay Axmed Fiqi isna loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Raísul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa dhawaan isku shaandheyn kooban ku sameeyay Xukuumaddiisa, waxa uuna isku beddelay saddex xubnood , kuwaa oo hadda xilalka lakala awareegay lagana sugayo in shaqooyinkooda laba jibaaraan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Yurub katirsan oo Go’aan ka qaatay qaabilida dadka ka imaanaya dalal Soomaaliya ku jirto

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo qaabilay wefdi ka socday hay’adda IOM

Cabdi Cade

Maxaa ka run ah Wararka sheegaya in Deni uu ka hor yimid qorshaha Musharaxiinta?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---