Allbanaadir.com
NEWS

Nin dilay 42 haween oo xaaskiisa ku jirto oo la qabtay (Sawirro)

Booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay dilka haween badan oo Kenyan ah, dilkan ayaana dhacay sannado iyo bilo kala duwan, waxaana horey loo aqoonsan waayay dilaaga haweenkaasi badan dilay.

Ninkan ciidamada booliiska Kenya qabteen ayaana qirtay in uu masuul ka ahaa dilka 42-haween ah, waxaana haweenka badan uu ninkan manaxaha ah dilay ay ku jirto haweeney uu qabay oo xaaskiisa aheyd sida booliiska sheegeen.

Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Collins Jomaisi Khalisia, oo 33 jir ah, waxa uuna ninkan qirtay in uu dilka geystay laga soo bilaabo 2022-kii isaga oo sheegay in uu si gaar ah u bartilmaameedsanayay gabdhaha qurxoon.

Ninkan xarigiisa ayaa yimid , kaddib markii maalintii Jimcaha goob qashin qub ah oo kutaalla magaalada Nairobi laga helay meydadka sagaal qof oo jawaanno lagu soo qariyay, waxaana baaris la sameeyay ay horseeday in lasoo qabto dilaaga.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha dalka Kenya, waxaana sheekooyinkan argagaxa leh lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta dalka Kenya, dad badan ayaana siyaabo kala duwan uga falceliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska horimaad xooggan oo ka dhacay Magaalada Jowhar iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Dagaal ka dhacay Kontrolka Magaalada Garoowe iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo oo la sheegay in sadex Ujeedo laga leeyahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---