Mashruuc Dib loogu dhisayo Muqdisho oo maanta la Daah furay (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah-furay wajiga 1-aad ee mashruuca dib u dhiska magaalada Muqdisho oo ay maal gelinayso Dawladda Jarmalka.

Wajiga koowaad ee Mashruucan oo ku bilaaban doonaa dhismaha 19 waddo oo laga hirgelin doono Degmooyinka Xamerweyne, Shingaani, Cabdicasiis, Xamar-jajab, Hawlwadaag, Boondheere, Warta Nabada iyo barnaamijyo qeyb ka qaadanaya shaqo abuurka dhalinyarada ayaa waxaa daah furkiisa qeyb ka ahaa Safiirka Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Marwo Jutta Gisele Frasch.

Eng. Yarisow ayaa ku bogaadiyey khubarada iyo howlwadeenada Dawladda Hoose ee Muqdisho sida ay ugu guuleysteen fulinta diyaarinta Mashruucan, isagoona tilmaamay in uu fursado shaqo u yahay dhallinyarada, Haweenka, Barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan gobolka Benaadir.

“Mashruucan wuxuu waafaq-sanyahay aragtideenna ku aaddan in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada iyo horumarinta koboca dhaqaaalaha magaalada Muqdosho. taasoo fududaynaysa isu socodka, adeegyada iyo isedhexgalka bulshada.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo uga mahadceliyey dawladda Jarmalka kaalmada iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulku Gobolka Banaadir uu kala shaqayn doono Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ay wada shaqeyntu ka dhaxeyso si loogu fuliyo mashruucan hannaan hufan oo waafaqsan dawlinimada iyo maamul wanaagga.

Munaasabadda furitaanka mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Diblumaasiyiin iyo masuuliyiinta Maaulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -