Ciidamada Danab oo fuliyay Howlgal lagu bur buriyay xarumo ay lahaayeen Al Shabaab

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku sugnaayeen Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Danab ayaa sheegay in howlgalka gaar ah ciidamada ka fuliyeen deegaanada Tawakal iyo Daaruslaam oo dhammaatood hoostaga degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelahha hoose.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in ciidamada Danab howlgalkooda ku bur buriyeen xarumo ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaanada ay weerareen gaar ahaan goobo ay sheegeen in dadka looga qaadi jiray lacago baad ah.

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa mararka qaar howlgalo qorsheesan ka fuliya deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, howlgaladan ayaana inta badan lagu bartilmaameedsadaa deegaano ay joogaan xoogaga Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -