Madaxweyne Waare oo ka hadlay Qarax lagu dilay Wasiir iyo Xildhibaan oo maanta ka dhacay Sh/Hoose

Madaxweynaha Dowlad Goboleeeka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee  Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka  Hirshabelle, iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C.qaadir Craxmaan Baraf Oo labaduba Qarax lagula eegtay Duleedka Garoonka Balidoogle ku geeriyooday.
Madaxweynaha Hirshabelle oo ku hadlaya afka goleyaasha Dawaladda Hirshabelle ayaa  tacsi udiray Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Hirshabelle, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, Baarlamaanka, iyo qoysaskii ay Ka ka baxeen marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax iyo Marxuum Xildhibaan Baraf Oo Ka mid ahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga naxay marka aan maqlay Dhimashada Xildhibaan Kabaweyne, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle” ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabweyne ayaa waxaa uu baarlamanka Hirshalle ku soo biirey dabayaaqadii sanadkii 2016 xiligaasi oo LA unkay Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -