Wasiir katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan Qarax lagu dilay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay Wasiiru dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed  iyo Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hirshabelle .

Sida aan Wararka ku helnay Qaraxan lagu dilay Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Konfur Galbeed C/qaadir C/raxmaan Cali Baafo iyo Axmed Cabdi Faarax Kaboweyne ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Degmada Afgooye.

Kolonyo gaadiid ay la socdeen masuuliyiintan la dilay oo ka yimid Garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle ayaa lala eegtay xili ay dib ugu soo laabanayeen magaalada Muqdisho oo la sheegay in markii hore ka baxeen.

Qaraxan miino ayaa sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah ilaaladii la socotay Masuuliyiintan la dilay, waxaana Muqdisho la keenay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxan.

Wasiirka la dilay ayaa kamid ahaa Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta tagay garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle oo xarun u ah ciidamo ka socda dalka Mareykanka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -