Hogaanka Ururka ONLF oo eedeymo u jeediyey Xukuumada Itoobiya

Madaxda Ururka ONLF ayaa sheegay inay dhul ballaaran oo ku yaalla Gobolka Soomaalida ku soo arkeen dhibaatooyin xoogan oo haysta dadka deegaanka.

Waxyaabihii ay ku soo arkeen waxaa Afhayeenka Ururka ONLF, Cadaani Hiirmooge uu sheegay inay tahay in mid u baahan gacan dowladeed iyo mid dadka deegaanka ah, si loo hormariyo dhulkaasi.

“Dhulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa intii ay ka socdeen dagaallada Jabhadaha hubaysan waxay taasi keentey in dib u dhac xooggan uu soo gaaro horumarkii gobolka” ayuu yiri Caddaani Hirmooge.

Dhowr iyo labaatan degaan oo ka mid ah gobolka ayuu sheegay iney socdaal ku tageen madax uu isagu ka mid yahay oo ka tirsan ONLF, isagoo dowlada Itoobiya ku eedeeyey iney ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira dhulka Soomaalida, wuxuuna ku baaqay in talabooyin deg deg ah la qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -