Maraykanka oo markii ugu horeysay liiska argagaxisada ku daray ciidamada dal kale

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inay koox argagaxiso u aqoonsadeen Ciidamada Jamhuuriga ee Iran, waana markii ugu horeysay oo uu Maraykanka ciidamada dal kale u aqoonsado argagaxiso.

Iran oo ka jawaabeysa go’aankan ayaa iyaduna sheegtay inay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe u aqoonsadeen kooxo argagaxiso ah.

Trump ayaa horey u burburiyey heshiiskii barnaamijka nukliyeerka oo ay wax ka saxiixdey xukuumadii ka horeysay ee Obama, heshiiskaasi 2015 ayaa lagu joojiyey barnaamijkii Nukliyeerka Iran ayaa waxaa sidoo kale saxiixay dalalka awooda ku leh Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Waxaa horey cunaqabateyn loo saaray hay’adaha xiriirka la leh ciidamada Jamhuuriga iyo illaha dhaqaalaha ee wadankaasi oo ay ugu horeyso batroolka ay dhoofiyaan.

Maamulka Donald Trump oo ay gadaal ka riixayaan shirkadaha hubka soo saara iyo xulafadooda Sacuudiga, Israel iyo Imaaraatiga ayaa muddooyinkii danbe olole ugu jiray in la cadaadiyo ama duulaan militari lagu qaado wadanka Iran oo ay u arkaan khatar iyaga ka dhan ah.

Sacuudi Carabiya ayaa maanta soo dhoweysay go’aanka Mareykanka uu ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ugu calaameeyey urur argagixiso.

“Go’aanka Mareykanka waxa uu daba socdaa dalabyadii joogtada ahaa ee Boqortooytada ay ugu jeedisay beesha caalamka inay wax ka qabtaan argagixisada ay Iran taageerto” waxaa sidaas lagu yiri qoraal lagu baahiyey wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, oo soo xiganeysa ilo-wareed ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -