Xildhibaan Warbixin ka qoray sida Muuse Suudi ku yeeshay dhulka dowlada ku heesato (Akhriso)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa dhawaan soo saaray wareegto uu ku amrayay in laga guuro dhulka xerada ciidanka Badda ee Marino.

Dhulkan la amray in laga guuro waxaa qeybo badan oo kamid ah degan guryana ka dhistay Senetar Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah Aqalka sare ee Baarlamanaka horeyna uga mid ahaa Hogaamiyo kooxeedyadii Muqdisho ugu awooda badnaa.

Muuse Suudi ayaa ku doodaya in dhulkan dowladii KMG uu Madaxweynaha ka ahaa  Cabadulahi Yuusuf Axmed uga badelatay hub badan oo xiligaasi lagu qiimeeyay lacag ka badan Hal Milyan iyo Bar.

Hadaba Qadiyada dhulka la isku heesto ee hada ka taagan tahay xiisada ayaa waxaa warbixin dheer oo ku aadan sida Muuse Suudi dhulkan ku yeeshay ka qoray Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Halkan ka Akhriso Warbixinta Xildhibaabka ka qoray dhulkan la isku heesto

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -