Taliyeyaasha Ciidamada dowlada Somalia oo saaka gaaray degmada Balanbale (Sawirro)

Taliyeyaasha Ciidamada qalabka Sida ee Somalia oo maalmahan ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa saaka gaaray degmada Balanbale ee isla gobolkaas

Waxay wadaan tirakoobka ciidamada si loo diiwaan galiyo, iyagoo tagay saldhiggii hore ee degmada Balanballe oo ay salaan kaga qaateen ciidanka Booliiska ee degmada.

Goobta waxaa ku sugan, Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, taliyeyaasha Xoogga dalka, Booliska iyo asluubta ee dowlada Somalia iyo Saraakiisha Taliska qeybta 21aad sida Abaanduulaha qeybta iyo xubno kale.

Sidoo kale waxay booqan doonaan degmooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq si ay u soo diiwaan geliyaan ciidamo lagu wareejiyey dowlada oo degmooyinkaas ku sugan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -