Xayawaan laga daad gureeyay magaalo dadkeeda Go’doon ku jiraan !! (Daawo Sawirada)

Xayawaan badan oo ku xareesnaa keyn kutaala magaalada Gaza ee dhulka Falastiin ayaa halkaasi laga daad gureeyay, waxaana xayawaankaasi loo qaaday Keyn kale oo kutaala dalka Urdun.

Gawaari waa weyn ayaa lagu daad gureeyay xayawaankan oo ay kamid ahaayeen libaaxyo, daanyeero, daa’uus iyo kuwa kale, xayawaankan ayaana intii aan la qaadin lagu sii duray cirbad suuxdin ah si aysan dhibaato u abuurin .

Amiir Khalil oo u hadlay hay’adda lagu magacaabo Four Paws ayaa sheegay in keynta Gaza kutaala laga raray inta badan Xaywaankii kunoolaa, waxa uuna sheegay in kaliya looga tagay shimbiro .

Keyntan laga raray xayawaankii kunoolaa ee kutaala magaalada Gaza ayaa la furay 1999, waxaana keyntan aheyd mid ay ku nastaan una soo daawasho tagaan dadka kunool magaalada Gaza oo xaalad adag ku sugan.

Dadka kunool magaalada Gaza ayaa go’doon ku jira sanado badan, waxaana magaaladaasi ka dhaca duqeymo iyo dagaalo mararka qaar dhax mara kooxda gobanimo doonka ee Xamaas iyo Ciidamada Isra’il.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -