Qaramada Midoobay oo digniin adag ka soo saartay doorashooyinka sanadka 2020

Warbixin ay soo saartay QM ayaa Dowladda Soomaaliya ku boorisay inay qaado talaabooyin xaqiijinaya in doorashadda soo socota ee dalka ka dhaceysa sanadka 2020 aysan hareyn xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

QM ayaa ka digeysa inay soo laabtaan xadgudubyo la sheegay inay dhaceen Doorashooyinkii dhacay sanadka 2016 iyo 2017.

“Amaan xumada, Tabaryarida hayadaha Cadaaladda iyo Nidaamka Difaaca Xuquuqul insaanka oo aan wanaagsaneyn ayaa ka qayb qaatay isla xisaabtan la’aanta xadgudubyadda xuquuqul insaanka Somalia” ayaa lagu sheegay Warbixinta QM.

Qoraalkan oo uu soo saaray Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa faahfaahisay xadgudubyo Ciidamadda Amaanku geysteen, Booliska iyo nabad sugidda ayaa si gooni ah loo soo hadal qaaday iyo ururro kale oo Al-Shabaab ay ka mid tahay intii lagu jiray doorashooyinkii Baarlamaanka ee Sanadkii 2017 ka dhacay dalka.

“Waxaa la xusay in la dilay 44 ruux oo isugu jira kaabe Qabiillo iyo ergadii doorasho ee waqtigaas, waxaana Dacwad lagu soo oogay ama la baaray labo kiis oo ka mid ah dhacdooyinkan” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska QM ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -