Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Maqaayad kutaalla Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada ah uu ka dhacay maqaayad yar oo kuwa lagu shaaho ah oo kutaalla laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan meel ku dhaw halka loo yaqaan Masjidka Muumino Ceelbuur.ee xaafada Siisii .

Qaraxa , ayaa la sheegay in lagu qariyay qeyb kamid ah maqaayada, waxaana xilliga qaraxa dhacayay goobtaasi fadhiyay dad badan oo shacab ah oo u badnaa dalaaleyda dhulalka kala gada iyo dad kale oo goobta u tagay in ay ku shaahaan.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo qaarkood la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo culus, kuwaa oo loola cararay xarumo caafimaad.

Maqaayada qaraxa uu ka dhacay, ayaa la sheegay in goob aan ka fogeyn ciidamada amaanka ku leeyihiin bar ay gaadiidka ku baaraan, waxaa sidoo kale la sheegay in maqaayada la qarxiyay mararka qaar ciidamada ay fariisan jireen.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Maxamuud Cabaas oo iska diiday qorshe uu soo bandhigay Madaxweyne Biden

Cabdi Cade

Dowada Soomaaliya oo shaacisay in dalka ka difaaceyso Shirkada DP World ee Imaaraadka

Cabdi Cade

Video:-Mooshin laba dhan ah oo la diyaarinayo iyo Eng Yarisow oo Burburiyay Sanadaqo Ganacsi iyo Warar kale …

admin
Taboola Ads ---