Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Khayre oo komeer kedis ah ku tagay garoonka Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tegay garoonka dayuuradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

Ujeedada kormeerka raisul wasaaraha ayaa la xiriiray sida ay u socdaan howlaha ka socda garoonka Aadan cadde, isagoo la kulmay masuuliyiin kala duwan

Kheyre ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay garoonka sida qeybaha rakaabka u kala dhoofaya dibada iyo  gudaha, xafiiska Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ku leedahay garoonka iyo qeybo kale.

Maareeyaha Garoonka Cabdi Ashkir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedada kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ay aheyd xog-wareysi uu la yeesho dadka loogu adeegayo Garoonka haddii ay jiraan caqabado ay la kulmaan.

Khayre ayaa dhex galay rakaab sugayey iney garoonka ka dhoofaan. Isagoo la sheekeystay qaar ka mid ah  oo uu weydiinayey heerka ay gaarsiisan tahay kalsoonida ay ku qabaan adeegyada loo qabtay iyo hadii ay jiraan dhibaatooyin ay meelaha qaar kala kulmaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiin kale oo lagu doortay Doorasho ka dhacday Burco

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo Heshiis hoose gaaray & Qodobada lagu heshiiyay(Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Kulan xasaasi ah la yeeshay Guddoomiyaasha Gobolada Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---