Prof. Saciid Ciise: “Wasiir Doodishe wuxuu mudan yahay in lagu abaalmariyo..”

Xildhibaan Dr. Mohamed Ahmed Sh. (Doodishe) wuxuu yahay masuul keligiis ka taageersan dadkiisa dowladda HSM oo uu wasiir ka yahay, waxaana u muuqatay inuu dadkiisa taageero uga raadiyo dowladda uu aaminsan yahay ee uu ka mid yahay wasiiradeeda. Dadka uu siyaasad ahaan matelayo intooda badan waxey ka soo horjeedaan maamulka dowladda HSM oo ay isfahamdarro siyaasadeed dhexmartay.

Waxaa lama huraan ah in kala daneysiga siyaasadeed laga hormariyo xarig jiidka ku dhisan diidmada aragtida mucaaradka ee uu ismaandhaafku ka dhashay xiligii xukunkii madaxweynihii hore, khilaafkaas oo sii kala fogeeyey Xil Doodishe dadka uu matelayo oo taageerayey dowladii hore iyo madaxweynaha HSM oo ka soo horjeedey, waxeyna xasaradaas siyaasadeed sii labakacleysay kadib guuldarrada doorashadii madaxweynihii hore, taas oo ka dhigtay bulshada Xil. Doodishe iney dowladda cusub ee HSM ku noqdan mucaarad xoogan.

Xil. Doodishe taageerada uu keligiis u hayo Dowladda HSM wax badan uma qaban karto, sidaas si la midana isagu wax badan siyaasad ahaan uma qaban karo dadkiisa mucaaradka falaagada ku noqday dowladda. Xalinta cakirnaantaas ayaa waxey isaga ku noqotay mid lagama maarmaan ka dhigtay inuu dowladda uu taageersan yahay uu dadkiisa taageero uu ugu dhex raadiyo si danaha siyaasadeed ee labada dhinac ay u wada meelmaraan.

Hotel Roys oo u dhow xayndaabka madaxtooyada Soomaaliya ayuu Xil Doodishe wuxuu kulan ugu qabtay waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda bulshada uu siyaasad ahaan ku matelayo awooda dowladda, kuwaasoo ka tashanayey sidii danahooda siyaasadeed heer degaan iyo heer qaran ay uga meelmarsan lahayeen dowladda HSM oo u diyaarsan dano isweydaarsiga siyaasadeed oo dhinac walba u horseedeysa inuu danahiisa guul ka gaaro.

Waxgardkaas rayidka ah oo sida nabada ah uga shirayey xal u helida aayahooda siyaasadeed, ayaa waxaa kulankoodii carqaladeeyey xagjiriinta argagixisada Alshabaab oo weerarkoodu ka turjumayey fariin xambaarsan inaan la heshiin iyo inuu sii socdo isfahamdarrada labada dhinac oo ay hore uga dhalatay naceyb siyaasadeed oo meesha ka saartay iskaashi ku dhisan wax wada qabsi.

Iskudayga Xil. Doodishe wuxuu bilow u yahay guul isafgarada oo meesha ka saareysa inaan la helin xuquuqda siyaasadeed ee dadkiisu ay xaqa ugu leeyihiin dowladda dhexe iyo mida maamul goboleedka, waxeyna sidoo kale dhiirogelineysaa sii wadida baadi goobka loogu jiro in la hiigsado taabogelinta maslaxadaha hirgelintooda horay loogu hingoobey oo madaxdii hore ay ku guuldareysteen iney meelmariyaan .

Xil. Doodishe wuxuu mudan yahay in lagu abaalmariyo mideynta uu u istaagey meelmarinta maslaxadaha dadka uu siyaasadda ku matelayo iyo taageero u helida lagu wanaajinayo xiriirka dowladdiisa uu taageersan yahay, xubina ka yahay golaheeda wasiirada. Dadaaladaas uu wado oo miradhalkooda aysan wax caqabada ku noqon karin falalka lagu argagixinayo waxgaradka isku xilqaamay in jawiga siyaasadeed ee taban lagu bedelo mid togan oo labada dhinac u suurtogelineysa iney masaalixda danahooda siyaasadeed jawi degan ku kala meelmarsadaan.

Waxaa bogaadin mudan in la taageero Xil Doodishe oo tilaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan u qaaday ku hogaaminta dadka uu siyaasadda ku matelayo iney si dhaqan dowladnimo wanaag leh ay masiirkooda siyaasadeed kala xaajoodaan madaxda dowlaada dhexe oo ay uga maqan yihiin xuquuqo siyaasadeed oo fara badan, kuwaas oo horay u xanibnaay mudo dheer sababo la xiriira ismaandhaaf siyaasadeed oo soo jiitamayey.


W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

Fiiro gaar ahFikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa isagoo aan cidna ku xad gubeynin..

 

 

- Advertisement -