Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyey iney dhaqaale siiso kooxda Al-Shabaab

Qaramada Midoobay ayaa lagu eedeeyay inay balaayiin lacag ah siiso kooxda Somalia ka dagaalanta ee Al-Shabaab.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada arrimaha Dibade ee dowladda Kenya Macharia Kamau, ayaa ku doodaya in QM ay 10% siiso Al-shabaab si ay u ogolaadaan inay gudubto cuntada gargaarka ah ee la gaarsiiyo dadka ku tabaalaysan degaanada ay maamusho Al-shabaab.

Kamau ayaa xeer ay Khamiistii soo saareen QM oo ka dhan ah maalgelinta argagixisada ku tilmaamay mid iska hor imanaya ayaa sheegay in gargaarka Somalia la siiyo oo sanadkii lagu qiyaaso 120 bilyan oo shilinka Kenya ah 10% ka mid la siiyo Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaan weli jawaab ka bixinin eedeyntan la yaab leh ee loo soo jeediyey, iyadoo masuulkan uusan keenin cadeymo muujinaya eedeymaha u soo jeediyey

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -