Caruurtii uu ka geeriyooday Jamal Khashoqji oo la siiyey guryo & Lacag aan caadi aheyn

Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Dowladda Sacuudiga ayaa caruurta suxufigii la dilay ee Jamal Khaashuqji siisay guryo ku fadhiya malaayin dollar, islamarkaana bil walba u qortay kumanaan dollar.

Khashoqji oo cambaareyn jiray dowladda Sacuudiga isla markaana wax ku qori jiray Washington Post, ayaa bishii October ee 2018 lagu dhex dilay kadibna meydkiisa lagu jarjaray gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Lacagta loo qoray caruurta Khaashuqji – oo ah laba wiil iyo laba gabdhood – ayaa “qeyb ka ah dadaal ay dowladda Sacuudiga ku dooneyso in heshiis waqti dheer ah la gasho xubnaha qoyska Khaashuqji, kaasi oo lagu xaqiijinayo inaysan si shaacsan uga hadal dilka aabahood”, sida uu qoray Washington Post.

Guryaha la siiyey caruurta Khaashuqji ayaa ku yaalla magaalada Jeddah waxaana qiimahooda lagu sheegay afar milyan oo dollar.

Wiilka ugu weyn qoyska oo lagu magacaabo Saalax ayaa qorsheynaya inuu kusii noolaado Sacuudiga, halka saddexda kale oo ku nool dalka Mareykanka ay doonayaan inay iibiyaan guryahooda, sida wargeysku qoray.

Ka sokow guryaha, caruurta ayaa bil walba heli doona lacag 10,000 oo dollar ah, waxaana la filayaa inay helaan lacag kale oo intaas ka badan oo tobonaan milyan oo dollar ah, sida ay tiri warbixinta.

Dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu eedeeyey inuu amray dilka Khashoqji, inkastoo uu dafiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -