Ciidanka Xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay degaano hor leh

Taliyaha Ururka 4-aad ee ciidanka Kiumandoska Somalia ee Danab Gaashaanle Cabdiraxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay la wareegeen maanta degaanka Beladul Amiin iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

“Saaka waxaan howlgal kula wareegnay Degaanka Beladul Amiin, waxaana sidoo kale argagaxisada shalay ka saarnay Cumar Beer oo aheyd Meel ay dhigtaan Hantida ay ka dhacaan shacabka, Sabiib iyo Caanoole, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maba aha”.ayuu yiri Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab.

Gaashaanle Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid iyo Dukumintiyo ay ka carareen Al-shabaab sida uu yiri ayna hadda degaanka ka wadaan baaritaano

“Waxay ka carareen oo aan gacanta ku dhignay Dukumiintiyo ay baad kaga qaadi jireen Shacabka iyo Gaadiid ay ka carareen, sidoo kale Gaadiid ay qaraxyo ku buuxiyeen ayaan qarxinay halka kuwa kalena ay la carareen, Ciidanka ayaana ku daba jira”.ayuu yiri taliyaha.

Al-shabaab kama hadlin sheegashada ciidamada dowlada, loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -