Allbanaadir.com
NEWS

Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka.

Kulanka SDRF oo la qabto bil iyo bar kasta mar ayaa qayb ka ah shirarka ay dawladda federaalka Soomaaliya la yeelato mas’uuliyiinta hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka bah-wadaagta ah ee kala shaqeeya arrimaha horumarinta dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xogta ninkii doonayay in uu dilo Donald Trump oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Wasiir Goodax oo si adag uga hadlay Muuqaal Baraha bulshada lagu baahiyay iyo dad loo xiray ….

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo arimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---