Banaan bax rabshado wata oo saakay ka dhacay Qeybo kamid ah Muqdisho (Sawirro)

Waxaa saakay banaan bax rabshado wata uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalaada Muqdisho, waxaana banaan baxa dhigayay darawalada gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka, kuwaa oo ka cabanaya wadooyinka xiran ee magaalada .

Banaan baxayaasha ayaa sheegay in la’yihiin wadooyin ay maraan kuna shaqeestaan, waxa ayna tilmaameen in dowlada ay ka rabto canshuur aan cafis laheyn hadana aysan heysan wadooyin ay maraan gaadiidkooda.

“Canshuur ayaan bixinaa haddana jid aan marno ma leh, waan soco weynay, ee waa in gawaarida kale istaagaan, dulqaadkii waa naga dhamaaday sidaan xal maahan dowlada xal kale ha raadiso” ayuu yiri mid kamid ah dibad baxayaasha.

Dibad baxayaasha ayaa dhagxaan ku xiray wadooyin ay kamid yihiin Laamiga isku xira Soobe iyo Buulo Xuubey, waxa ayna diideen darawalada banaan baxa dhigaya in halkaasi wax gaadiid ah maraan xitaa kuwa ciidamada.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa dhagxaan lagu xiray halka kuwa furana la dhigay ciidamo booliis ah, waxaana wadooyinkaasi loo diidaa in ay ku kala gudbaan gaadiidka dadweynaha iyo waliba kuwa shacabka.

- Advertisement -