Gaari lagu soo raray Qarax aad u tan weyn oo kusoo jeeday Muqdisho oo la qabtay

Ciidamada Kumaandooska dowlada Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa la sheegay in deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose ku qabteen gaari weyn oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa .

Gaarigan oo nuuciisa lagu sheegay booyad ayaa lagu soo raray qarax tankiisu aad u weyn yahay, waxaana la sheegay in qaraxan uu aad uga tan weynaa kii sanadkii 2017-dii ka dhacay Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil katirsan ciidanka Danab ayaa sheegay in gaarigan shalay ku qabteen deegaanka Sabiib ay la wareegeen ciidanka , waxaana gaarigan la sheegay in uu kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan la sheegay in ay qabteen ciidamada Danab, waxaana warkan uu imaanayaa xili maalmihii lasoo dhaafay kordheen qaraxyada ka dhacaya Muqdisho sidoo kale la sheegay in qaraxyo kale magaalada kusoo wajahan yihiin.

Qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe 14-kii October sanadkii 2017-dii ayaa inta la xasuusto noqday qaraxii ugu tanka weynaa ee ka dhaca Muqdisho, waxaana qaraxaasi noloshooda ku waayay boqolaal qof oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -