Lamaane Cadaan ah oo Aroos Cajiib ah ku dhigtay magaalada Hargeysa (Daawo Sawirada)

Lamaane Cadaan ah oo u dhashay dalka Canada ayaa aroos cajiib ah oo lagu saleeyay dhaqanka Soomaalida waxa ay ku dhigteen magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Gabadha Caruusada ah ayaa u kusoo labisatay dharka hidaha dhaqanka  Soomaaliyeed, waxaana munaasabada carooska lamaanahan u dhashay dalka Canada kasoo qeyb galay asxaab  badan oo Soomaali ah.

Caruusada oo kunooleyd magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in ay jecleesatay in xaflada arooskeeda ka dhigato Hargeysa si ay uga soo qeyb galaan asxaabteeda Soomaalida ah ee aan tagi karin dalka Canada oo mar kale xaflad aroos ku qabsan doonto.

Gabadha aroosada ayaa sheegtay in ay jecleesatay in ay xiratay dharka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ay xirtaan haweenka Soomaaliyeed, waxa ayna xustay in dharkaasi yihiin kuwa qurxoon dhowr marna ku aragtay xaflado aroos ay tagtay.

”Waxaan u doortay dhaqanka Soomaaliya maxaa yeelay wuu qurux badanyahay aroosyada asxaabtayda ee aan tagayna waan ku arkay waana ka helay naqshadooda, wuu qurux badanyahay aad ayaana u jeclayahay dhaqanka Somaliland” Ayey tiro aroosada.

Sawirada laga soo qaaday arooska lamaanahan u dhashay dalka Canada ee ku aqal galay magaalada Hargeysa ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, waxaana lamaanahan u hambalyeeyay dad badan oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -