Tuugsiga casriga ah ee ka dhax socda barta Tiktok iyo Hadal heyn ka dhalatay!

Tuugsigu wuxuu hadda caadi ka dhex noqonayaa baraha bulshadu ku xiriirto ee dalka Induniisiya. Dadkii bannaannada iyo jidadka dawarsan jirayna, hadda waxay helayaan hab fogaan arag ah oo ay ku dawarsadaan.

Ka dhex tuugsiga Tiktok waxay hadalheyn qaran ka dhex noqotay dalka ugu Muslimiinta badan caalamka. Waxaana hadda dowladda lagu cadaadinayaa inay arrintan si dhab ah usoo fara-geliso. Wasiirka arrimaha bulshada Induniisiya ayaa amray laamaha amniga iyo nabadgalyada inay kahortagaan tuugsiga jidadka iyo midka ka socda Tiktok-ga – halka culimada iyo waxgaradku ay ku baaqeen in dadweynuhu is hortaago dhaqamada qaawinaya saboolnimada ka jirta dalka sidoo kalana dilaya sumcadda iyo dhegta dadka Induniisiyaanka ah. Waxay sheegeen in diinta Islaamku ay meel cad ka joogto dawarsiga iyo wax-warsiga aan micnaha iyo baahida badani ku jirin.

Laakiin khubarada ayaa ku warramaya inay adag tahay si fudud in lagu joojiyo tuugsiga ka socda Tiktok oo dawarsaduhu ku helayo hadyado ama deeqo uu lacago ku beddelan karo marka ay u gaarto tiro sugan.

Halka markii hore tuugsaduhu uu waqti badan ku bixin jiray ka dawarsiga jidadka, hadda waxaa ku filan kaliya inuu iska soo duubo muuqaal uu ku sheeganayo baahidiisa iyo in loo gargaaro. Kadibna deeqbixiyaasha ayaa ku taakuleynaya xiddigo lacago ah oo marka ay u ururaan uu cash-ka ahaan ula soo bixi karo.

Inta badanna waa haween da’ ah oo faqri maran ku nool kuwaas oo aan tahli karin inay u banbaxaan wax weydiisiga dadka maraya jidadka. Dowladda ayaa ku amraysa in gebi ahaanba la tirtiro muuqaallada dawarsadayaasha.

Laakiin inta kuwa jecel inay wax ku deeqaan kuwa ka dhex tuugsanaya Tiktok-ga ay sii wadayaan siintooda, way adag tahay in si fudud looga takhaluso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -